Calaamadaha qiyaamaha

بسم الله الرحمن الرحيم

Ogow walaalkayow inay Qiyaamadu dhici doonto, xisaabtan iyo abaal marinna ay jiri doonto, markaa la innooga baahan yahay inaynu u diyaar garawnno waxqabadkii iyo wanaimages1aggii aynu kaga badbaadi lahayn murugada iyo dhibaatooyinka jiri doona maalinta Qiyaame , si aynaan u noqonin kuwa uu ku rumoobi doono hadalka uu Eebbe korreeye ku yidhi:-“Dadkii waxaa u soo dhawaaday Xisaabtoodii iyagoo halmaansho ku sugan oo jeedsan.Uma yimaaddo Xus (Quraan) xagga Rabbigooda oo warrami haddii  (uu jirana) way maqlaan iyagoo ciyaari.Oy shuqloon tahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigaan Faqii kuwii dulmiga falay (iyagoo odhanaya), kani ma waxaan dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u imanaysaan sixir idinkoo arkaya” Suuradda Al-Anbiyaa’i Aayadaha 1–3aad.

Ogowna in Qiyaamadii ay dhawdahay marka loo eego waayadii hore , sidaa darteedna ay lama huraan tahay inaynu digtoonaanno si aynu u badbaadno, Cabdullaahi Binu Cumar waxaa laga wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-“Ka danbayntiinna aad ka dambaysaan umadihii idinka horreeyay waa inta u dhaxaysa Salaadda Casar ilaa gabbal dhaca” Bukhaari baa wariyay.Hana u arki inay fog tahay way dhawdahaye, u sii tabaabushayso.

Eebbe korree oo nasahnaaye wuu qariyay waqtiga ay dhaci doonto, keligii uunbaana og cid kaloo ogi ma jirto, Malag dhaw ha ahaado ama Nabi la soo dirayba ha ahaadee. Eebbe korreeye wuxuu yidhi:-“Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamada) markay sugnaan. Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda. Eebbe uunbuu ku dhammaan ogaanshaheedu. Adigu waxaad tahay uun u digaha ruuxii ka yaabi.Waxay la mid noqon maalintay arkaan (Qiyaamada) iyagoon nagaanin galab iyo barqin mooyee (adduunka).

Hase yeeshee Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu inna ogaysiiyay calaamadaheeda, taasoo uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye innoo sheegay , isagoo umaddiisa uga digaya, calaamadahaas oo la soo bilawday waagii Asxaabta Ilaahay raalli ha ka ahaadee,kuwaasoo intaana soo kordhayay, waxaana calaamadahaas ka mid ah kuwo la arkay iyo kuwo weli socda iskana soo daba dhacaya , iyo kuwo aan weli la arag oo markay dhici doonto Qiyaamadu iman doona, waxaanay ahaan doonaan arrimo aanay dadku caadiyan arki jirin.

Haddaba si aynu hoos ugu daadagno Ilaahay khayrka ha inna waafajiyee, waxaynu u kala qaadi doonnna, una kala horraysiin doonaa laba qaybood , oo qayb waliba calaamado badani hoos imanayaan, innagoo calaamad kasta oo labadaas qaybood ka mid ah is yara dul taagi doonna, si aynu uga digtoonaano waxayna kala yihiin labadaas

ah is yara dul taagi doonna, si aynu uga digtoonaano waxayna kala yihiin labadaas qaybood:-

1-Qayb ah calaamado yar yar

2-Qayb ah Calaamado waawayn

CALAAMADAHA YARYAR

b-Soo Bixitaankii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye

     Eebbe korreeye wuxuu yidhi:-“Ma ahayn Muxamed aabaha midkiin oo raggiina ka mid ah, hase yeeshee waa Rasuul Ilaahay iyo ugu dambeeyihii Nabiyada”. Rasuulkeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-“Waxaa la soo diray aniga iyo Saacadda (Qiyaamada) sida labadaas oo kale (intuu murdisadiisii iyo fardhexadiisii isku dhajiyay korna u taagay)”.

Markaa soo diristii Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxaa la bilawday tirsigii ku sii durkayay Qiyaamada, maadaama aanu jirin Nabi dambe oo soo baxaya, ummaddiisuna ay tahay umaddii u dambaysay ummadaha.


 

t-Geeridii Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye

     Waxaa kale oo calaamadaha yaryar ee Qiyaamada ka mid ah geeridii Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, wuxuuna Nabigu Xadiis ku yidhi:-” Lix ka tiri Saacadda (Qiyaamada) horteed:- Geeridaydii, haddana furashada Baytul Maqdis, haddana..……….” Bukhaari.

Geeridii Nabigeenuna naxanriis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxay ahayd musiibadii ugu waynayd ee ku habsata umadda Muslimiinta ah, dunida ayaa mugdi u nqoday Asxaabtii Rasuulka naxariis iyo nabadgalyi Eebbe korkiisa ahaye iyaga raalli ahaansho Ilaahay korkooda ahaataye. Anas Ilaahay ha ka raalli ahaadee wuxuu yidhi:- “Maalintii uu Nabigu naxariis  iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu Madiina soo galay wax walba way iftiimeen, maalintii uu geeriyoodayna wax walba mugdi ayay noqdeen, anagoo weli aaskiisiiba faraha ku hayna ayaannu xattaa quluubtayadii hiifnay”.

Geeridii Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye Waxyigii Samada ka soo degayay ayaa joogsaday, sidii uu Qurdubi yidhina waa xaaladdii ugu darnayd ee Muslimiinta soo waajahda, Nabinimadii ayaa geeriyootay, waana markii ugu horraysay ee shar soo bilawdo kaddib markii qabiilooyin Carab ihi Diinta ka noqdeen, dhimashadiisuna waxay ahayd ugu horrayntii khayr go’a iyo bilaabashada yaraanshihiisii.

Badashada Maalka

Calaamadaha yaryar ee Qiyaamada waxaa kaloo ka mid ah maalka oo ku bata gacmaha dadka , Bukhaari wuxuu Saxiixiisa ku wariyay in Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee laga soo wariyay Xadiis uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-“Qiyaamadu dhicimayso illaa dhexdiina uu maalku ku bato, markaasoo uu ku hamiyo ninka xoolaha lihi inuu Sadaqo ka aqbalo looguna yeedho nin (si uu u qaato) oo yidhaahdo (ninkii inuu Sadaqada qaato la doonayo): baahi iima hayso xoolahan”.

Sida uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu innoo sheegayna way dhabawday oo waa la arkay, laga soo bilaabo waqtigii  Saxaabada Rasuulka Ilaahay ha ka raalli noqdee oo ay bateen wadamadii ay furteen, taasoo xoolo fara badan u soo hoydeen, iyagoo gacanta ku dhigay hantida labadii boqortooyo ee waagoodii ugu awoodda badnaa,ee kala ahaa boqortooyadii Roomaaniyiinta iyo boqortooyadii Faarisiyiinta. Waxaa kaloo calaamaddaasi la arkay waagii Khaliifka shanaad ee Muslimiinta Cumar Binu Cabdicasiis oo waqtigiisii qof baahan la waayay , taasoo ay sabab u ahayd barakadii cadaaladdiisu. Sidoo kale waxaa la arki doonaa calaamaddan gabagabada adduunka oo Ilaahay baa oge laga yaabo inay noqoto waaga Mahdiga soo bixi doona iyo waaga uu Nabi Ciise naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye soo dego, markaasoo uu dhulku soo bixin doono khasnadaha ku jira maalkuna badan doono.


 

x-Ku Dayashada Gaalada lagu dayan doono

Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatee wuxuu yidhi:-“Saacaddu(Qiyaamadu) dhicimayso illaa ay ummadaydu qaaddo(jidkii iyo dhaqamadii) dawgii umadihii ka horreeyay taako taako iyo dhudhunba dhudhun“. Waxaa lagu yidhi ma sida Faaris iyo Roomaanka oo kale, markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-“Oo haddaa ma dad aan iyaga ahaynbaa“. Bukhaari baa wariyay. Warin kale ayaa ahayd :-“Waxaannu nidhi Rasuulkii Ilaahayow(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) ma Yuhuud iyo Nasaaraa (Masiixiyiin), markaasuu yidhi:-“Oo haddaa wa ayo“.

Akhristow waqti hore iska dhaafe hadda ayaynu calaamaddaasi indhaheenna ku aragnaa, intee Muslimiin ah ayaa ku dayashada gaalada ku faana, ilbaxnimana mooda, balse la

 

arkayba rag rag isku ekaysiiyay ama dumar dumar isku eekaysiiyay waa sahaalee rag dumar isku eekaysiiyay iyo dumar rag isku eekaysiiyay, taasoo mararka qaarkood gaadha Diinta oo la baxo Ilaahay baannu xaaladdaas ka magan galnaye. Qofka Islaamnimada dhabta ah ku dhaqmaa wuxuu ogaanayaa heerka uu xaalka Muslimiintu gaadhay waqtigan la joogo, taasoo keentay in habdhaqankii Islaamnimo ee saxda ahaa laga fogaaday sidii reer galbeed loogu dayanayay, ha ahaato Caqiidadii oo laga leexday ama isku xukunkii Kitaabka iyo sunnada Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo la iska fogeeyay xukunkoodiina la qaatay iyadoo lagu dayanayo, ilaa xattaa labiskoodii,cuntadoodii iyo cabbitaankoodii noqday ilabaxnimada meesha ugu sarraysa, taasoo si dhab ah ugu sifoobaysa hadalkii Nabigeenna naxariis iyo nabdgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-” Taako taako iyo dhudhunba dhudhun xattaa hadday galaan god Masalugalay waad galaysaan”. Haddaba waxaa is waydiin leh maxay umaddu ka heshay ku dayashadaas indha la’aanta ah aan ka ahayn dullinimo, khayraadkooda oo la dhaco, madaxa oo laga garaaco iyo in la addoonsado, taasoo ay waliba u dheer tahay khasaare aakhiro iyo mid adduunba.

Fiicnaan lahaydaa in ganacsatada ka soo dajisa bari iyo galbeedba dawooyinka la isku caddeeyo iyo duruucda khafiifka ah iyo sunta noocyada badanba inay inoo waaridaan cilmiga iyo farsamada casriga ah intay waxaan gaajo kaa biinayn oo dhaqankii iyo caadadiiba kharibaya soo dajinayaan, fiicnaan lahaydaa inay ka qayb qaataan dib u habaynta iyo dhisidda dhakhtarro, abuuridda hay’ado faa’iido umadda u leh, waddooyinka oo ay hagaajiyaan, machadyo, dugsiyo iyo Jaamacdo ay dhisaan. Sidoo kale fiicnaan lahaydaa inay ka qayb qaataan caawinta dadka baahan ee ay caadiga noqotay in lagu dul socdo iska dhaaf in wax loo qabtee. Ilaahay sida khayrku umaddeenna ugu joro ha inna garansiiyo umaddana ha ka badbaadiyo baadida iyo jahawareerka ay ku jirto Aamiin. 


kh-Dhambalmashadii Dayaxa

Waxaa kale oo uu Eebbe korree oo nasahnaaye Quraanka Kariimka ah ku yidh:-“Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), Dayaxiina wuu dhambalmay (dillaacay). Haddii ay gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa sixir daran” Suuradda Al-Qamar Aayadda 1-2aad. Mucjisadaasi waxay dhacday waagii uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu Maka joogay, iyagoo gaaladii reer Makaad ay Nabiga nnEka ka codsadeen inuu mucjiso tuso, oo ay waliba ka codsadeen inuu dayaxu laba dhambal noqdo, markii uu Rasuulku nnEka uu Eebbe nasahnaa oo korreeye baryay ayuu dayixii kala dhambalmay, laba qayboodna kala noqday, hase yeeshee sida Eebbe nasahnaaye innoo sheegay waxay Nabigeennii nnEka ku yidhaahdeen waad na sixirtay. Inkastoo haddaba ay 1400 oo sano ay dhacdadaas ka soo wareegty ayaa waxaa ay hayadda Nasa oo ah wakaaladda Hawada sare ee Maraykanka xaqiijisay kaddib sawiro uu soo qaaday dayax gacmeed ay wakaaladdaasi hawada u dirtay oo la yidhaahdo Clementain in dayaxu uu bandhtanka ka kala go’ay laba gobol oo isleegna u kala go’ay isla markaana uu dib iskugu soo noqday,taasoo bay yidhaahdeen weli aanu meere kale ama walax cireed kale oo sidaas oo kale u kala go’ay aanay la kulmin, waxayna sheegeen inay arrintaas la yaabeen isla markaana aanay fasiraad u haynin. Fasiraadi way jirtaaye Quraanka Kariimka ah dib ha ugu noqdaan. ____________________

la soco……………………….

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: