Calaamadaha qiyaamaha

بسم الله الرحمن الرحيم

Ogow walaalkayow inay Qiyaamadu dhici doonto, xisaabtan iyo abaal marinna ay jiri doonto, markaa la innooga baahan yahay inaynu u diyaar garawnno waxqabadkii iyo wanaimages1aggii aynu kaga badbaadi lahayn murugada iyo dhibaatooyinka jiri doona maalinta Qiyaame , si aynaan u noqonin kuwa uu ku rumoobi doono hadalka uu Eebbe korreeye ku yidhi:-“Dadkii waxaa u soo dhawaaday Xisaabtoodii iyagoo halmaansho ku sugan oo jeedsan.Uma yimaaddo Xus (Quraan) xagga Rabbigooda oo warrami haddii  (uu jirana) way maqlaan iyagoo ciyaari.Oy shuqloon tahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigaan Faqii kuwii dulmiga falay (iyagoo odhanaya), kani ma waxaan dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u imanaysaan sixir idinkoo arkaya” Suuradda Al-Anbiyaa’i Aayadaha 1–3aad. Sii akhri

taariikhda afka soomaaliga

Hordhac

Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya.

Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas ballaadhan leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka horreysay qoraalada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xidhiidhaan wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga. Sii akhri